DHEGEYSO:>Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Kahadlay Amnidarada Kataagan Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Baydhabo

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhibaatooyin la xiriira dhanka amniga ay ku soo kodheyn Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,iyada oo la sheegay in lagu kufsaday ilaa 19 Haween ah oo Wadadaas ku safrayey.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa aad uga walaacsan dhibaatooyinkaas amnidarro iyaga oo sheegay in ay la wadaageen laamaha amniga Koonfur Galbeed balse aysan jirin ilaa iyo hadda talaabo ay u qaadeen sidii falalkaas wax looga qaban lahaa

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka koonfur Galbed Soomaaliya Xildhibaan Qaasim Mayow Cabdale oo la hadlay warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada ka taagan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya,isla markaana saraakiisha xoogga dalka ay la wadaageen balse ay ka aamuseen.

Waxa uu sheegay in dhibaatada amnidarro ay tahay mid sii korortay,isla markaana lagu dhibaateynayo dadka aan awoodin in ay diyaarad kasoo raacaan Baydhabo kuna tagaan Muqdisho,waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in wax laga qabto dhibaatooyinkaas.

Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa horay dhibaatooyinkaas wax ay uga yeesheen kulan deg deg ah si wax looga qbato balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid isku-howshay waxka qabashada falalkaasi amnidarro oo la sheegay in ay geysanayaan rag ku labisan dareeska Ciidanka dowladda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul isnaanka