DHEGEYSO:>Diyaar Garow Loogu Jiro Soo Dhoweynta Ciidul Adxaa Iyo Suuqyada Degmada guriceel Oo Mashquul ah

Iyadoo ay maalmo yar kaharsantahay ciida weyn ee loo yaqaan ciidul Adxa ayaa waxa diyaaragarow ballaaran laga dareemayaa suuqyada magaalada guriceel, waxaana ay dadku siweyn isugu diyaarinayaan sidii ay farxad ugu soo dhaweyn lahaayeen ciida weyn ee ciidul Adxa.

Goobaha laga dareemayo diyaargarowga ciida ayaa waxa kamid ah suuqa weyn ee lagu iibiyo xoolaha, waxaana mar aan booqanay suuqaasi aan kula kulanay qaar katirsan dadweynihii halkaasi xooalaha ka iibsanayay, waxaa ayna noo sheegeen in ay doonayaan in ay suuqa ka iibsadaan xoolo ay ku udxiyeeystaan.

Nuur jaamac iyo Cabdulqaadir mire siyaad Waxa ay kamid yihiin Dalaaleyda suuqa Degmada Guriceel ugu horey waxa ay Radiogalgaduud uga waramayaan qiimaha xoolaha laka iibsanayo.