DHEGEYSO:>Dowlada oo Sharci adag kasoo saareysa gudniinka fircooniga ah

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in sharciyo adag ay ka soo saarayaan gudniinka Fircooniga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudniinka fircooniga uu dhibaato ku hayo gabdhaha Soomaaliyeed lona baahan yahay in si wadajir ah loogu hortago.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya iyo Baarlamaanka ay kala hadli doonaan soo saarista sharciyo adag si dhaqan gal ay u noqdaan sharciyaas.

Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii sharciyadaas loo soo saarayo.

Waxa uu ku baaqay in laga hortago tacadiyada loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shalay muqdisho lagu qabtay kulan loogu hadlaayay ka hortaga gudniinka fircooniga.

Hoos kadhegeyso codka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir