DHEGEYSO:>Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celisay Shaqaalo ka mid ah kuwii hawada Soomaaliya ka maamulayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celisay Shaqaalo ka mid ah kuwii hawada Soomaaliya ka maamulayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii

Shaqaalahaan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 39 Shaqaale oo ka tirsan  Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya si ay uga howlgallan Magaalada Muqdisho,taas oo Wasaaradda duulista Hawada soomaaliya ay ku tilmaamtay in ay tahay tallaabo horumarineyd.

 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dad badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah in marar badan ay u sheegeen in asyan suurtagal aheyn in Hawada Soomaaliya laga maamulo soomaaliya balse ay marqaati ka yihiin in Maanta ay Muqdisho u soo guureen 34 ka mid ah Shaqaalahaas  kuwaas oo Nairobi ka howlgallay tan iyo 1993.
28 Bishoo December Sanadkii tegay ee 2017 ayaa Munaasabad lagula soo wareegayay Maamulka Hawada Soomaaliya waxaa lagu qabtay Muqdisho,iyada oo Qalabka ay ku Shaqeynayaan Shaqaalaha Hay’adda Saadaasha Hawada uu tijaabiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka