DHEGEYSO:>G/Beledweyene oo sheegay in laisku haleyn karo Amniga magaaladaasi

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay Ammaanka guud ee degmada Beledweyne ka dib markii maamulka Hirshabeelle uu sameeyay Ciidamo u gaar ah suggidda Ammaanka Magaalada.

Gudoomiyaha degmada Beledweyne Cusmaan Maxamed Qalaafow ayaa sheegay in Beledweyne loo diyaariyay Ciidamo loogu tala galay in ay ku suggaan Ammaankeeda, kuwaasoo laga soo xulay gobolka Hiiraan.

Waxaa uu tilmaamay tan iyo markii la sameeyay Ciidankaasi in Ammaanka Magaalada uu ahaa mid haggaansan.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ay la dagaallamaan Kooxaha Isbaarooyinka dhigtay wadooyinka laga soo galo Magaalada Beledweyne.

Ciidammadaan ayaa laga geenay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Hiiraan, waxaana loogu tala galay in ay ka hortaggaan falalka Amni daro ee Magaalada ka dhaca.

Hoos kadhgeyso codka gudoomiyaha