DHEGEYSO:G/Gobolka Banaadir oo xalay kormeeray Isgoysyo ku yaal Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ay wehlinayeen Taliyayassha Ciidamada Boolis iyo Nabad-Sugida iyo gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa xalay kormeeray Isgoysyo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Isgoysyada ay xalay masuuliyiintan kormeerka ay ku samaeyen ayaa waxaa ka mid ah Baar Ubax, Cali Kamiin, Warshada Caanaha, Ex Koontarool Balcad, Saldhigga degmada Huriwaa, Suuqa Xoolaha Illaa Xero Maslax,waxaana masuuliyiintu ay sheegeen in kormeerku uu ahaa mid lagu koontorolayay Amniga Caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Isgoysyadii ay kormeeren ay ku arkeyn ciidamo heegan ku jira kuwaas oo amniga xaqiijinayay.

Waxa uu sheegay in ujeedka kormeerkoodu uu ahaa in wararka sheegaya in amnidarro ay ka jirto Muqdisho aan bulshada tusno in aan waxba ka jirin,shacabka iyo ciidankana ay ahaayeen kuwo wadashaqeynayay

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay sugida amniga kala Shaqeeyaan Ciidamada si amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uu u noqdo mid amni ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isna sheegay in kormeerkan uu dhiiragelin u yahay ciidamada had iyo jeer u taagan sugida Amniga Caasimadda

Hoos kadhgeyso codka