DHEGEYSO;>Gaas Iyo Michael Keating Oo Ka Wada Hadlay Xiisada Tukaraq

Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta kulan waxa uu Magalada Garoowe kula  qaatey Wakiilka xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa  Madaxweyne Gaas ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxeynaha oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in soo dhaweyn ka dib ay labada dhinac isla-soo qaadeen xaalada deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaalameen Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

“Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating oo ah wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney mudo sadex sano ku dhow,waxan isala soo qaadnay ka hadalka xiisada colaadeed ee deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Soomaaliland ay ku soo duushay Puntland, isla markaana inta taako Puntland ka tirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gaas