DHEGEYSO:>Golaha Amniga Qaranka oo ka hadlay hawlgalada xasilinta caasimadda

Shirka Golaha Amniga Qaran oo Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu wajahayo amniga guud ee dalka, iyadoo lagu boggaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir howlgallada lagu sugayo amniga iyo Barnaamijka Dariseynta oo si habsami leh uga socda Caasimadda.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir guullo la taaban karo kasoo hooyay afartii bilood ee la soo dhaafay isku xirka Shacabka, Maamulka iyo Hay’adaha Amniga taasi oo ka dhalatay in si wadajir ah loo sugo amniga loogana hortago falal argagixiso, kadib markii ay meesha ka baxeen habacsanaantii ka jirtay wadashaqeyn la’aanta.

Isaga oo hoosta ka xarriiqay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda iyo isku xirka bulshada ayuu Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) khudbaddiisa furitaanka shirka ku ballan-qaaday in maamulkiisu uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii amniga Caasimaddu u noqon lahaa mid la isku halayn karo, lana diyaariyey qorsheyaal cad-cad oo lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarrada socda.

Mudane Yarisow oo soo dhaweeyey qodobada ka soo baxay shirka Golaha Amniga Qaranka, ayaa xusay mudnaanta sare ee la siiyey sugidda amniga iyo Barnaamijka Dariseynta Caasimadda ay muujinayso dadaalka dheeriga ah iyo waqtiga uu M/mulkiisu geliyey.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda”.

Sidoo kale, mudadii uu shirku socday, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Yarisow kusoo bandhigay ajendaha maamulkiisa ee ku aadan Doorashooyinka la qorsheynayo sanadka 2020, qeybsiga Khayraadka dalka iyo u-diyaar garowga la wareegitaanka amniga dalka, iyadoo dhammaan arrimahan laga gaaray is-faham ku salaysan danta Ummadda Soomaaliyeed.

Hoos kadhegeyso codka gudoomiyaha gobolka baandir