DHEGEYSO:>Guddoomiyaha G/nugaal Oo Edeyn ujeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre

Kadib shir jaraa’id ee uu Maanta Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu ku qabtay Guddoomiyaha Gobolkaas ayaa waxa uu eedeyn ugu jeediyay Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiye Cabdisalaan Xassan (Gu’jir) ayaa arka hore sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  uusan fulin balan qaad u u sameeyay Bahda Ciyaaraha gaar ahaan  Garoonka Mire Awaare ee Magalada Garoowe.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Siyaasiyiin iyo Xildhibaaano uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u soo diray Gobolka Nugaal,kuwaas oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan arrimaha Maamulka.

Waxa uu sheegay in tallaaba kasta oo la doonayo in Xildhibaanada iyo Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya  ay ka sameeyaan Gobolka Nugaal ay soo maraan Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.