DHEGEYSO:>Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo u digay Garsoorayeyaasha dalka

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shaqada laga ceyrin doono garsoore walbo iyo cid walbo oo ka shaqeysa Maxkamadaha dalka ee lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in garsoorka uusan ahayn meel dhaqaale badan laga helo balse ay tahay meel loogu cadaalad falo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in cidii dooneysa iney dhaqaalo ka hesho garsoorka iney raadsadan shaqooyin kale oo ay ka tagaan shaqada garsoorka,

Guddoomiyaha ayaa masuuliyiinta kale ee maxkamadaha dalka faray in la dhaqan geliyo isla xisaabtanka iyo nidaamka caddaalad sameysnta dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu maanta si rasmi ah muqdisho ugu daaah furay nidaam casri ah oo loo qaadayo dacwadaha dalka kuna shaqeynayaan maxkamadaha dalka ka jira.