DHEGEYSO;>Gudoomiyaha Degmada Balanbale oo kahadlay Dib uheshiisiin laga weday deegaano hoostaga Degmada balanbal

Gudoomiyaha Degmada Balanbale Jaamac Xeyle Maxamed oo Wareysi gaar ah siinayay Radiogalgaduud ayaa kahadlay Shaqaaqooyin maalmihii danbe kasoo cusbaanaaday deegaano Hoostaga Degmada Balanbale.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in deegaanadaasi hoostaga Degmada Balanbale oo Dhibaatooyinku kadheceen ay gaareen Xildhibaano katirsan Maamulka Galmudug iyo saraakiil Ciidan isla Markaasi Deegaanadii ay tageen ay kasameyeen wacyigelin.

Gudoomiye jaamac Xeyle Maxamad oo siihadlayay ayaa waxa uu Sheegay in loo baahan yahay in dadkaasi ciidamo lakala dhex Dhigo odayaasha dhaqanka labada dhinac oo deegaanadaasi Kunool ayuu ugu baaqay in ay nabada kashaqeeyaan .

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa laweydiid warqad kasoo baxday Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabay oo lasheegay in isaga xilka looga qaaday Waxa Uu na sheegay in warqadaasi aysan aheyn mid sharci ah isla Markaasina uu isagu yahay Gudoomiyah Degmada Balanbale.

Hoos kadhegeyso wareysi uu Gudoomiye Jaamac xeyle layeeshay weriyeheena Cabdulqadir Guure Barre