DHEGEYSO:>Gudoomiyaha Degmada Xeraale Oo Faah Faahin Kabixiyay Dagaalka kadhacay Degmada Xeraale

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac Ah Geystay oo kadhacay  deegaanka xeraale ee Gobolkani Galgaduud kaasI oo u Dhaxeeya Dad Ka Soo wada jeeda Degaanka lagu dagaalamayo.

Dagaalka oo xalay soo bilaawday ayaa waxaa kadhashay qasaaro xoogan dadka deeganka ayaa ku soo baraarugay xabad oo korkooda kadheceysa Wararka aan heleyno Ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaraha dhimashada labada dhinac ee dagaalka ka dhashay uu gaarayo ilaa iyo 20 ruux,

Gudoomiayah Degmada Xeraale Bashiir Daahir Dhagabadan Oo Wareysi Gaar ah Siinayay Radiogalgaduud ayaa waxa uu faah faahin kabixiyay dagaalkii kii kadhacay Degmada Xeraale iyo Khasaaraha Kadhashay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan ka jirta deegaanka Xeraale,waxaana lagu soo waramayaa in deegaano kale uu dagaalka kusii fiday,isla markaana badi dadka deegaanka xeraale ay barakaceen.

Hoos Kadhegeyso Codka Gudoomiayah Degmada Xeraale Bashiir Daahir Dhagabadan