DHEGEYSO:>Haweeney Heeysatay labo Caruur ah Oo xalay isku dal deshay Muqdisho

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xaawa Cali Maxamed ayaa Xalay isku daldashay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Xaawa Cali Maxamed ayaa isku daldashay dhisme ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo aan la garanayn wixii ku kalifay in ay is disho.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muddooyinkii ugu dambeysay ay haweeneydan la tacaaleysay xanuunka dhimirka.

Macalin Cabdulle Macow oo ay ehelo ahaayeen marxuumadda ayaa Warbaahinta

u sheegay in meydkeeda ay geeyeen Xarunta Dembi Baarista ee CID.

Macalin Cabdulle waxa uu xaqiijiyay in muddooyinkan dambe ay haweeneydan xanuunsaneysay, balse markii ugu dambeysay ay xaaladeedu ahayd mid degan, isla-markaana aanay aqoonin waxa ku khasbay in ay is disho. Waxaa uu intaa ku daray in ay isku daldashay qolkii ay ka deganeyd guriga.

Allaha u naxariistee Xaawa Cali Maxamed oo 35 jir ahayd ayaa ifka uga tagtey laba wiil.

Macalin Cabdulle Macow oo ay ehelo ahaayeen marxuumadda ayaa Dhinaca Kale sheegaya in Taliyaha saldhiga Yaaqshid uu Meydka Marxuumada la geeyay Xarunta danbi baarista.