DHEGEYSO:>Jawaari Oo Shaaciyey Sababtii Loo Baajiyey Kulankii Baarlamaanka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee la hakiyo uu soo codsaday madaxweyne Farmaajo,isla marakana laga aqabalay.

Isaga oo faah faahinayay kulan ay qaateen Madaxweyne Farmaajo isaga iyo labadiisa ku xigeen si xaalada loo dejiyo.

Xiisada Siyaasadeed ee dalka ayaa gaartay meeshii ugu darneyd,waxana saakay inta badan la xiray Wadooyinka waawyen ee Muqdisho wallow markii dambe dib loo furay,waxana la oegyn halka ay ku dambeyn doonto xiisada u dhaxeysa Gudoonka Golaha Shacabka.

Waxa uu u mahadceliyey Xubnaha Aqalka Sare oo waqti badan geliyey in la xaliyo xiisada ka dhaxeysa Gudoonka Golaha Shacabka,waxa uuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka sugayaan Jawaab  Xildhibaanada Golaha Shacabkana laga doonayo in ay xaalada dejiyaan.

Hoos kadhgeyso cdoka jawaari