DHEGEYSO:>Jenaraal Maxamed Nuur Galaal oo dhaliilay Dowlada uu hugaamiyo Madaxweyne farmaajo kana hadlay arima kale

Jenaraar Maxamad Nuur Galaal oo kamid ah saraakishii Dowladii Meleteriga aheyd ee somaaliya oo Wareysi Gaar ah siinayay Radiogalgaduud ayaa Waxa uu ugu horeyn Kahadlay arimo Dhowr ah isagoona si gaar ah u dhaliilay  Qaaabka Ay wax u Wado Dowlada uu hugaamiyo Madaxweyne Maxmaed  Cabdulaahi Farmaajo sheegayna  in ay san muuqanin waxyaabihii Ay Rejeynayeen shacabka somaaliyeed.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday Booqashadi uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Dowladda itoobiya Abii Axmad  islamarkaasina heshiisyo lugu Gaaray caasimada somaaliya Waxa uu carabka kudhiftay Ganraaku in uu yahay Abii Axmad nin Degdegaya oo danihiisa eeganaya.

Jenaraarka ayaa dhinaca kale kahadlay booqashadii uu Madaxweyne Farmaajo kutegay Eritrea kulana kulmay  Madaxweynaha dalkaasi iyagoona kawada hadlay arimo laxariira Geeska Africa intaasi kadibh Madaxweynaha Somaaliya ayaa mar Uu qudbad jeedinayay waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Cunuqabateynta hubka laga qaado Eritrea arintaasi ayaa Kacareysiisay dowlada jabuuti Janaraalka yaa waxa uu sheegay in uu aad ugu xumaaday markii uu maqalay arintaasi aysana aheyn Wax uqalma dalka jabuuti.

Ugu danbeytii janaraalka ayaa Madaxweynaha Dowlada ugu Baaqay in uu uduulo dalka jbuuti kana raali geliyo waxii dhacay isaga oo markaasi kalaabana hadalkii uu kasheegay Eritrea.

Hoos kadhegeyso codka Jenaral Galaal oo uu wareysi layeeshay  weriyeheena Cabduqadir Guure Barre