DHEGEYSO:>K/Galbeed Oo Sheegtay In Ay Burburiyeen Saldhigyo Al-Shabaab Qaraxyada ay Ka Soo Abaabuli Jireyn

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kadib dagaal ay la galeyn Al-Shabaab ay u suurtagashay in ay burburiyaan goobo ay ka soo abaabuli jireyn weerarada iyo qaraxyada.

Afhayenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Gacma oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in dagaalo ka dhacay qeybo ka mid ah tuulooyin ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ciidamada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ay howlgalkii dhacay ku burburiyeen goobo ay dadka Shacabk ah ku dhiabateyn jireyn,oo ku yaallay tuulooyin hoostaga degmooyinka Tiyeeglow iyo Xuudr ee Gobolka Baay sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu gu dambeyn sheegay in deegaanadii ay howlgalka ka sameeyeen ay Al-Shabaab isaga firxadeen,isla markaana halkaasi ay uga hartay dhibaatadii ay dadka Shacabka ah ku haayeen.

Sikastaba hadalkaan ka soo baxay Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ee ah in ay bur buryeen Saldhigyo Al-Shabaab qaraxyada iyo falalka amnidarro ka soo abaabuli jireyn in ay bur buriyeen weli wax jawaab ah kama soo bixin dhankooda Al-Shabaab.

HOOS KADHEGEYSO CODK AFAYEENKA