Khilaaf ayaa soo gala dhexgalay Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyadda iyo sidoo kale wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana Khilaafkaan uu ka dhashay kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlaayay Badqabka Suxufiga.
Wasiiradda oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in shirkaan lagu casuumay, islamarkaana markii ay yimaadeen ay la kulmeen wixii loo sheegay wax ka duwan.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Wasiiradda maamul goboleedyadda ay joojiyeen Shirkaasi in ay qeyb galaan.
Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka furmay Shir looga hadlaayay badqabka Suxufiga , waxaana shirkaasi oo buuq badan dhaliyay furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.