DHEGEYSO:>Maamulka Gobalka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay qaraxii ka dhacay deyniile

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo loo adeegsaday Miino oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Banaadir Qaraxyadaasi ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan.

Qarax Koowaad ayaa ka dhacay Degmada Dayniile  gaar ahaan Xaafadda Oodweyne.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka Militariga, kuwaasi oo maraayay jidka jaayga ah ee Xaafadda Oodweyne.

Gudoomiye Laameed iyo Hal askari ayaa la xaqiijiyay in ay  dhinteen, waxaa sidoo kale dhaawac ah askari iyo laba qof oo shacab ah, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxa Labaad ayaa waxaa ka dhacay Jidka Warshadaha gaar ahaan Agagaarka Jaamacadda SIMAD, waxaana la sheegay in Qaraxaasi uusan geysan Khasaare.

Afayeenka maamulka gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta  ayaa faah faahin ka bixiyay qarax ka dhacay degmada deyniile gobalka Banaadir.