DHEGEYSO:>Madaxweynaha Puntland oo kahadlay xisada Maamulkiisa kaladhexeysa somaliland iyo dagaalka Ay kulajiraan Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo xalay ka qeyb galayey Munaasabada Sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegatay Aas-aaska Puntland ayaa ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Soomaaliland iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhib siyaasadeysan lagula soo duulay dadka ku nool deegaanada Gobolka sool,isla markaana Puntland aysan aqbaleyn naf iyo maalna ay u hureyso,waxaana sidoo kale uu ka tacsiyadeyeeyey dadkii ku dhintey qarixii ka dhacay Buuhoodle.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalka Puntland ay kula jirto Al-Shabaab iyo daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliya deegaanada Puntland,waxa uuna sheegay in dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho,Buuhoodle iyo Gaalkacyo ay masuul ka yihiin.

gaas oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin fikir dhab ah oo lagu mideysan yahay in lagula dagaalamo Al-Shabaab iyo Daacish,waxa uuna ku baaqay in la qabto Shir Caalami ah oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codk Gaas