DHEGEYSO:>Madaxweynaha Somaliland oo ee deyn ujeediyay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada

Munaasabad lagu xusayay sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Kuxigeenkiisa, Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhammaan Madaxdii iyo xubnihii kale ee halkaasi khudbadaha ka jeediyay ayaa waxa ay ka hadleen qiimaha maalintani ay leedahay iyo halganka loo soo maray hanashada xoriyaddii la helay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo ku aadan maalintan waxa uu u diray shacabka Somaliland, wuxuuna tilmaamay gobonimada Somaliland ay heshay in ay aheyd mid ay waqti badan ku soo bixiyeen dad kala duwan.

“Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda, waa 26-kii Juun, 58 sano ayaa ka soo wareegatay maalinkii aan xornimada ka qaadanay Ingiriiska, Somaliland wuxuu ahaa qaran xuduudihiisa difaacanaya.” Ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markale yiri “27 sano oo silic, rafaad, dagaal iyo waxbarasho la’aan baynu soo marnay, uma sii baahnin dagaalo kale, colaadaha Tukaraq ka dhacay ee Cabdi Wali uu soo kiciyay isaga oo doonaya in loo kordhiyo laba sano, laba sano ayuu dadka ku dhameynayaa, wax hadal lagu dhameyn karo garan maayo in qori la isugu soo qaato, dadka wax garanaya waxaan leeyahay aayihiina ka fekera.”

Munaasabadda xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, laguna xusayay 26-ka Juun ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso iyo gabayo lagu cabirayay qiimaha ay maalintan leedahay.

Hoo kadhegeyso codka madaxweynaha