DHEGEYSO:>Madaxweyne Farmaajo “Waa Muhiim in dadka Somaaliyed Ay Cadaalad helaan”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayey dhibaatooyinka dalka ka jira ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed waayihii u dambeeyey ay ka cabanayeen cadaalad darro baahsan oo dalka ka jirtay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in aas aaska nolosha ay tahay cadaalad hadii cadaalad la waayana wax walba aysan hagaagi doonin.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in iminka ay qorsheynayaan in la sameeyo Golaha adeega Garsoorka si cadaalada ay u noqoto garab Saddexaad oo la siman Golaha fulinta iyo sharcidejinta dalka,sidoo kale silamid ah la sameyn doono guddiga dib u eegis ku sameya dacwadaha iyo cabashooyinka dadka ay qaban si loo xaliyo.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya xilli wixii ka dambeeyey burburkii dalka  Shacabka Soomaaliyeed ay ka cabanayeen cadaalada darro ka jirta dhinaca garsoorka dalka oo dowladda hadda jirta ay dooneyso in ay hagaajiso.

Hoos kadhegeyso codka madaxweynaha somaaliyaÂ