DHEGEYSO:>Madaxweyne Gaas Oo Ku Laabtay Garoowe Kuna Baaqay in Dagaal loo diyaar Garoobo

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay  magaalada Garowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland kadib Shir uu uga qayb galay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay Xiisada Colaadeed ee kasoo Cusboonatay  gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo dagaal qaraar ay ku wada dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Puntland in ay ka qeyb qaataan dagaalka Puntland ay kula jirto Maamulka Soomaaliland.

Sikastaba Masuuliyiinta maamulada labada dhinac ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa weli hawada waxa ay isku marinayaan hadalo xanaf ah oo sii hurin kara dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

 Dhageyso Codka Gaas