DHEGEYSO:>Madaxweyne Gaas Oo Ku Wajahan Imaaraadka Carabta

Cabdiwali  Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland  ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso ee xarunta ganacasiga Puntland isagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu kulan la qaadan doono Madaxda Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu kala hadi doono arrimo ay ka mid yihiin  tayeynta Ciidamada Booliska Badda Puntland oo ay Mushaar siiso dowladda Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale horumarinta Puntland.

Gaas ayaa sidoo kale ugu  Baaqay Xukuumada Soomaaliland in Xoriyadiisa loo Soo Celiyo Boqor Buurmadow oo Kamid ah Isimada dhaqanka kaas oo dhawaan Puntland tagay.

Safarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta ay xoogeysatay, islamarkaana dowladda Imaaraadka ay joojisay Tababaradii ciidamada dowladda Soomaaliya.