DHEGEYSO:>Madaxweyne Gaas Oo Sheegay in Lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho ay qeyb ka mid ah loo weday Ciidamad Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah in loo waday Ciidanka Puntland.

C/wali Gaas oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay lacag dhan Saddex Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar loo waday Ciidanka Puntland si mushaar ahaan loo siiyo.

Wuxuu sheegay inuu la xiriiray safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya waxna ka weydiiyay arrintan, wuxuuna tilmaamay in uu u cadeeyay lacagta qeyb ka mid ah in loogu tala galay Puntland.

 Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in arrinta ay si hoose ugala hadleen Madaxda Dowladda Federaalka, qeyb ahaan lacagta lagu wareejiyo Puntland.

“Haa waan wareystay Ambassador-ka, wuxuuna ii sheegay lacagtaas qeyb ahaan in ay ugu tala galeen Ciidanka Puntland, Madaxdana waan la qeyb saday arrimahaasi, waa waajib inaan wax iska weydiino arrimahan oo kale, laakiin way dhici kartaa inuu jiro heshiis hoose.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

HOOS KADHEGEYSO CDOKA GAAS