DHEGEYSO:>Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubbaland Oo ladardaarmay Wasiirada Cusub Ee Maamulkaas

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe in ay la yimaadaan Shaqooyin dhab ah.

Waxa uu sheegay in Wasiiradii ka horreeyey ay Shaqada meel wanaagsan soo gaarsiiyeen,iyana laga doonayo in ay suurtageliyaan in Wasaarahooda ay yeeshaan Xafiisyo ay ku Shaqeeyaan.

“Runtii aad ayaad u nasiib badan tihiin waayo waxaad soo gaarteen,iyada oo meel wanaagsan ay wax marayaan idinkana waxaa la idinka rabaa in ay sii dhaqaaqdaan waayo tallaabo qaad ayaa loo baahan yahay,lamana aqbali doono waxqabad la’aan ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam(Madoobe) ayaa dhawaan waxa uu isku-shaandheyn uu ku sameeyey Golihiisa Wasiirada,ka dib sida uu shegay wadatashiyo uu sameeyey.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka