DHEGEYSO:>Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Sheegay go,aankii Ay qaateen M/maamulgoboleedyada in ay san dani ugujirin shacabka somaaliyed

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay Shirkii uu golaha Amniga Qaranka uu isugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo bilihii lasoo dhaafay uu Khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso Shirkaasi.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka qeyb gali doonaan in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa warfidiyenka  u sheegay in Puntland aysan qaadan doonin Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Gaas ee ahaa in la hakiyo xiriirkii dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Madaxda Maamul goboleedyadda ayaa Shalay ku dhawaaqay in ay guud ahaan hakiyeen xiriirkii ka dhaxeeyay dowladda dhexe.

Hoos kadhegeyso codka madaxweyne kuxigeenkaÂ