DHEGEYSO:>Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Sheegay in nabada Degaanka Tukaraq Ay hortaagan yihiin Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka hadlay xaalada deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay iskuhor-fadhiyaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland,sidoo kalena horay ay dagaalo uga dhaceyn.

Waxa uu sheegay in mar walba Soomaliland ay ku celceliso Nabad,uu sheegay in ay tahay mid qoor qabad ah,isla markaana taasi aysan ku imaaneyn nabad dhexmarata Puntland iyo Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi siiraaciyey in Soomaaliland ay ku doodeyso in dhul uu siiyey Ingiriiska,taasina ay tahay wax lala yaabo,isla markaana Soomaaliland ay heysato dhul uu Puntland leeyahay taasina ay suurtagala aheyn.

Deegaanka Tukaraq ayaa weli ay ka jiraan xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland,iyada oo labada maamul ay geeyeen Ciidamo aad u farabadan,waxana sidoo kale barbar socda dadaalo ay wadaan Qaramada Midoobey.