DHEGEYSO;>Madaxweyne Shariif Xasan Iyo AMISOM Ka Wada Hadlay Sidii Alshabaab looga Saarin lahaa Deegaanada koofur galbeed

Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareeysa Afrika UNSOM  iyo Madax ka socotay AMISOM.

Saraakiisha uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee soomaaliya iyo Saraakiil kale,waxaana kulanka ay uga  hadleen Amaanka Guud ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay isku-afgarteen qodobo ay ka mid yihiin Amniga sigaar ah sidii AMISOM uga qeyb qaadana lahaayeen howlgallo lagu furayo Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheega in AMISOM ay u balan qaaday in ay Koonfur Galbeed ka taageri doonaan dhismaha Wadooyinka,taageero millateri oo la  iiyo ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira ayaa waxa uu Madaxweyne Shariif Xasan uga mahad celiyey qabsoomidii shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Baydhabo,iyada oo ay jirtay xiisada Siayasadeed oo u dhaxeysay Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada.

Waxaa kaloo uu sheegay in  AMISOM ay marwalba diyaar u tahay in ay Maamulka Koonfur Galbeed ka caawiso dhinac walba si gaar ah howlgalalda lagu furayo wadooyinka u go’doonsan dhanka ah Al-Shabaab,

Hoos Ka Dhageyso Codka Shariif Xasan iyo Danjire Madeira.