DHEGEYSO;>Madaxweyne Waare ”Beelaha kudagaalamaya gobolka hiraan Shabaab ayaa kadanbeeya”

Madaxaweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay howlgallada  ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay mararka qaar ka fuliyaan deegaanada Maamulkaas ayaa soo bandhigay caqabado ay la kulmaan.

Waxa uu shegay in caqabada koowaad ee ka hortaagan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay dagaalada mararka qaar dhexmara beelaha dega deegaanada Maamulka hir-Shabeelle.

Sigaar ah waxa uu Madaxweyne Waare u soo qaatay dagaal beeledyadii u dambeeyey ee ka dahcay deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Gabagebadii waxa uu Madaxweyne Waare sheegay in Al-Shabaab looga adkaan karo abaabul ay sameeyaan dadka ku nool deegaanada ay maamulaan taasna ay iyaga wadaan dhankooda,isla markaana ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah.

Hoos kadhegeyso coedka weaare