DHEGEYSO:>Madaxweyne Waare Oo Sheegay in Ciidamo Boliis Ah lageynayo Deegaanadii ay kubarakeceen Shacabka Beledweyne

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa haatan qorsheynaya in Ciidamo boolis ah uu geeyo deeaganada duleedka ka ah Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiaran oo ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo boolis ah oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo ilaalin doona amniga Shacabka ka barakacay Baladweyne.

“Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan deegaannada ku dhow dhow Baladweyne kuwaas oo u baahan in amnigooda la xaqiijiyo waxanaa u diyaarinaya ciidamadii amnigooda ilaalin lahaa maadaama ay mas’uuliyad inaga saaran tahay ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Sikastaba hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku soo aadaya xilli Shacabkii ka barakacay Baladweyne ay ka casbi qabeen in amnigooda uu faraha ka abxo maadaama deegaannada ay ku sugan yihiin asyan joogin wax ciidan ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka waare