DHEGEYSO:>Madaxweyne Xaaf Oo Fariin udiray Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoonka baarlamaanka Galmudug

Waxaa saacaddihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan looga hadlaayo Xaaladda Galmudug ay ka dhaceen Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Galmudug ayaa xalay kulamo gooni gooni ah Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay waxgaradka Galmudug ee ku sugan Magaaladdaasi.

Waxa ay Madaxweynaha ugu baaqeen waxgaradka in si deg deg ah loo dhameystiro heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana sidoo kale Madaxweynaha uu Odayaasha kala hadlay dhismaha Golaha wasiiradda Galmudug.

Ugu danbeyn madaxweyne xaaf ayaa sheegay in loo baahan Yahay in miiska wada hadalka wax lagu xaliyo madaxdana laga Doonayo in ay san burburin maamulkii ay soo dhiseen.