DHEGEYSO;>Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kubaaqay in lajoojiyo Colaada Degaanka Tukaraq

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmo kahor dib ugu soo laabtay dalka ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Degaanka Tukaraq waxaa isku haya ciidan ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland, marar badan oo dagaal uu dhexmray waxaa dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka ah, sidaasi darteedna loo baahan yahay in arrintan wada hadal laga galo.

Labada Madaxweyne ee maamulada Puntland iyo Somaliland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in arrintan ay door muhiim ah ka qaataan, si nabad loogu wada noolaado.

Hoos kadhegeyso codka madaxweynihii hore ee somaaliya shariif hkiiq ahmad