DHEGEYSO:>Maleeshiye Beeleedyadii kudagaalamay Qeybo katirsan G/hiraan oo lakala Qaaday

Waxaa xal laga gaaray deagaal beeleedyo ka dhacayay Mudooyinkii danbe deegaano Hoostaga Dagmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan dagaalkaas oo sababay qasaaro nafeed iyo Mid hantiyeedba.

Gudoomiyaha Dagmada Matabaan ee Gobolka hiiraan Xuseen Salaad ibraahim Moolif ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Hirshabeele iyagoo kaa shanaya odoyaasha dhaqanka in lakala qaaday ciidamadii kasoo kala jeeday maleeshiyaadka Dagaalamayay.

Gudoomiye Mooli oo wareysi Gaar ah siinayay warbaahinta Radiogalgaduud ayaa ku eedeeyay  Alshabaab in ay ka qayb Qaadanayaan isku dirka beelahaasi waxaana uu sheegay in ujeedkoodu uu yahay sidii ay isaga horkkeni lahayeen beelaha walaalha ah oo halkasi wada dega.

Ugu danbeyntii  Gudoomiye Moolif ayaa baaq udiray beelaha Walaha ah isagona ugu baaqay in ay nabada qaataan kana waantooban waxyaabaha colaada hurinaya.

Hoos kadhgeyso codka moolif