DHEGEYSO:>Marwo Khadiijo oo udigay Shaqaallaha Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in isla xisaabtan iyo shaqo ku kormeerid adag ay ka bilaabaneyso wasaaradeeda.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in shaqaalaha Wasaaradaasi ee aan gudan waajibaadka saaran tallaabo in laga qaadi doono, haddii aysan wax iska bedelin.

Wasiir Khadiija ayaa xustay in Shaqaalaha Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha, kuwooda aan joogtada ahayn, ay ka shaqo iyo dadaal badan yihiin, kuwa joogtada u ah wasaarada.

Waxa ayna intaa ku dartay in haddii aysan shaqaalaha si wanaagsan u gudan waajibka saaran, ay wasaaradu fursad siin doonto dhallinyarada kale, si ay u dar-dargaliyaan shaqada Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Hoos kadhegyso codka Marwo KhadiijoÂ