DHEGEYSO:>Mid Kamid Ah Suuqyada Ugu Weyn Muqdisho Oo Maanta Xiran

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaanba uu xiran yahay ganacsiga Suuqa degmadaasi ee Suuq Boocle.

Xirnaanshaha Suuq ayaa timid ka dib lagu soo roggay lacago dheeraad ah sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Ganacsatadda Suuqaasi.

Waxa ay sheegeen in ay cabasho ka yihiin maamulka degmada oo ay sheegeen in ay u keeneen warqaddo ay kaga dalbanayaan in ay bixiyaan lacago xad dhaaf ah.

Sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Ganacsatadda Goobaha Bakhaarada ah ee Suuqaasi ku yaallo, ayaa lagu amray dadka inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun doolar) halka goobaha ganacsiga ee caadiga sida dukaamada lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $500 oo doolar.

Xiisad ayaa ka taagan Suuqa Ganacsiga Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley, iyadoo ganacsatada ay taag taagan yihiin irida hore ee goobahooda ganacsiga.

Maamulka degmada ayaa la sheegay in uu ganacsatadda ka dalbaday bixinta lacagtaasi oo lagu dhisaayo Waddo laami ah.

Hoos Kadhegeyso cadka Qaar kamida Ganacsatada suuqa Boocle