DHEGEYSO;>Odayaasha Dhaqanka beelaha kudagaalamay G/hiraan oo wareysi Gaar ah siiyay Radiogalgaduud kuna baaqay in dagaalka lajoojiyo

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug  ayaa ku Baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanak ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn in dhiig badan uu ku Daato degaanka shacabkana loogu baahan yahay iney xabad joojinta qaataan.

Waxgaradka oo la hadlay Radiogalgaduud ayaa tilmaamay in ay ka qeyb qaadanayaan dhex dhexaadinta beelaha dagaalka uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay tagayaan goobaha ay dagaalada ka soo cusboonaadeen.

Dhanka kale Maamulada Galmudug iyo Hirshabbeele ayaa lagu dhaliilay joojinta colaada kusoo lalabatay degaano katirsan gobolka hiiran

Warbixin kusaabsan  umuurtaasi waxaa diyaariayay weriyeheena cabdulqaadir guure barre Wareytana Odoyaash dhaqanka