DHEGEYSO;>Puntland Oo Bilaabeysa Diiwaan Gelinta Dadka Ku Nool Deegaanadeeda

Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo hor-marinta reer miiyiga Puntland oo kaa shanaysa khuburo ka socota dowladda Talyaaniga ayaa bilowday in la diiwaan geliyo dadka ku nool deegaanada Puntland.

Qorshaha lagu diiwaan gelinayo dadka ayaa la sheegay in laga sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland isla markaana lagu guulaystay wejiga hore ee Barnaamijkaan lagu tira koobayo dadweynaha.

Agaasimaha Wasaaradda Ariamaha Puntlland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa sheegay in qorshahaan uu muhiim u yahay Puntland laguna guulaysay tijabadii ugu horaysay,Agasimaha ayaa sheegay in qorshahaan lagu diiwaan gelinayo dadka in uu wax badan ka caawinayo dowladda Soomaaliya marka la gaaro doorashada 2021.

Hoos kadhegeyso codka