DHEGEYSO:>R.W Kheyre Oo abaal marin guddoonsiiyay Ciidamii Fashiliyay Qaraxyadii kadhacay Magalada Muqdisho+SAWIRO

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo  ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda  nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo  xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad ay uga hortageen qaraxyo shalay ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu hoR tageen.

 Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen  Shacabka  Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.