DHEGEYSO:>RW Kheyre Oo Qudbad kajeediyay Shirkweynaha Qaran Ee dib u eegista dastuurka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo manta khudbad ka jeedinayay shirkweynaha Qaran ee dib u eegista Adstuurka ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhameystirka Dastuurka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in muhiim uu yahay in la dhameystiro Dastuurka Soomaaliya ee haatan qabyada ah,isaga oo shaaciyey qodobada ugu muhiimsan ee uu muhiimada u leeyahay dhameystirka Dastuurka.

“Si aan u aqbalno in dalkaan aan wada leenahay sidaas daraadeed waxaan leeyahay Waa in la dhameystiraa dastuurka,waa in la dhameystiraa dastuurka si aan dalkaan u gaarsiino doorasho qof iyo cod ah taas oo macnaheedu yahay shacabka Soomaaliyeed ay doortaan cidii ay rabaan,sikale hadaan u dhigno in awooda markale gacanta loo geliyo Shacabka,Dastuurka waa in la dhameystiro si ay u kala  cadaato Awoodaha Xukuumadda iyo tan labada Aqal

Hoos kadhegeyso codka