DHEGEYSO:>RW Xasan Cali Kheyre Oo Guddi U Magacaabay Dhibaatada Ka Taagan Baladweyne

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Xafiiskiisa uu Maanta kulan kula qaatay Guddiga Musiibooyinka qaranka,Hey’adda qaxootiga qaranka, Hey’adaha maxaliga ah, Ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan,kaas oo looga hadlayay xaalada Baladweyne.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada kala duwan ee Hay’adaha gargaarka ayaa waxa ay isku raaceen in sideg deg ah loogu gurmado Dadka uu saameeyey fahaada Wabiga Shabeelle ee ku nool Baladweyne.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu kulan kale isugu yeeray Safiirada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya si ay iyana uga qeyb qaataan sidii dadkaasi baladweyne ka qaxaya ee uu Wabiga saameeyey loogu gurman lahaa.

Dhinaca  kale waxaa la magacaabay guddi uu guddoomiye u yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) guddigaas oo ka shaqeyn doona sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awoodeeda isugu geyn doonto Magalada Baladweyne.

Hoos kadhegeyso codka Rw xasan cali kheyre