DHEGEYSO:>Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaalil Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka

Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa noqday mid siyaabo usku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay

Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire   ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uusan jirin warka ka soo baxay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash,isla markaana aysan jirin cid saddexaad oo heshiiskii dekada Berbera ka qeyb gashay.

Hadalkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa noqday mid ay si iskumid ah uga wada hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliya oo isku khilaafsan heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Magalada Berbera.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka