DHEGEYSO:>Saraakiisha Ciidamada Dowlada Ee G/Hiraan Oo Sheegay in ay dileen Dagaal yahano Katirsan Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Howlgalo kabilaabay Deegaano badan oo hoos taga Gobolka Hiiraan, iyadoo Howlgaladaas Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in lagu  dilay Tiro badan oo ka mid ahaa Al-Shabaab.

Maxamed Nuur Cagajoof Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Gobalka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faahfaahiyey howlagalkaas waxa uuna sheegay in rag badan ay ku dileen howlgalkaas,isla markaana ay ku furteyn Gaadiid ciidan.

“Waxaan Dilnay rag  aad u badan oo tiradooda aan kuugu sheegi karo ilaa 30 Dagaalame, sidoo kale waxaan kaqab sanay Deegaano ay Dadka Danyarta ah ku dhimaateyn jireen xili kasta

Howlgalada ayaa ka qabsoomay sida Afhayeenku uu sheegay Wadooyinka Shabaab oo isku xira Degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.

Sikastaba Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq dahqaaqyo cidian ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka hiiraan,waxana Saraakiishu ay sheegeen in ay ku doonayaan in Al-Shabaab ay uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.