DHEGEYSO;>Shariif Xasan oo ka digay in la carqaladeeyo Doorashada Baydhabo

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa durba bilaabay ololaha uu ugu jiro ku soo laabashada kursiga hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Bisha November ee dhammaadka sanadkan ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku tartami doonaan musharaxiin badan.

Shariif Xasan oo arrimaha doorashada si faah faahsan uga hadlay ayaa sheegay in laftirkiisa uu sanadkan yahay musharax markale u tartamaya hoggaanka Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo cid walba oo u tartameysa kursiga, balse waxa uu u digay siyaasiyiin uu sheegay in laga yaabo carqalad inay ku sameeyaan doorashada Koonfur Galbeed.

“Horey ayaan u sheegay inaan musharax ahay, hadii la i doorto waan shaqeynaa, hadii qof kale la doorto waan la shaqeynaa, laakiin waxaan rabnaa doorashada inay ku dhacdo sida saxda ah, ma rabno rabshado in la kiciyo, waan ka digeynaa, cid walba oo tartameysa waan soo dhaweyneynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa u hanqal taagaya in markale uu ku guuleysto kursiga uu hada taladiisa hayo, balse waxaa muuqata inuu loolan adag kala kulmi doono musharaxiin doorashadan isu soo sharaxeysa.

Hoos kadhegeyso codka shariif xasan