DHEGEYSO:>Shir ku saabsan Dastuurka Oo ka furmaya Magaalada Kismaayo

Shir ku saabsan hanaanka dib u eegista Dastuurka ayaa maanta lagu waddaa in uu ka furmo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Shirkaan oo socon doono muddo labo maalmood ah waxaa ka qeyb gali doono Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyadda iyo sidoo kale dowladda Dhexe.

Waxaa diirada lagu saari doonaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha dib u eegista iyo sidii ay ka qeyb ay kaga noqon lahaayeen qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa sheegay in Shirkaan oo socon doono labo maalmood ay rajeynayaan in ay kasoo baxaan qodobo wax badan kusoo kordhin doona hanaanka Dastuurka Soomaaliya.