DHEGEYSO:>Shir lagu heshiisinayo Beelo Wada dega Degmooyin katirsan Gobolka hiiraan Oo Maata laga daahfuray Degmada matabaan

Munaasabadani oo lagu daah furayay shirwene nabadeed oo lagu heshiinayo beelo walaala ah oo wada Dega degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan ayaa manta laga daah Furay Degmada Matabaan ee Gobolkaasi hiraan.

Waxaana furitaanka shirkani  ugu hureyn kasoo qeyb galay odayaash dhaqanka ee labada dhinac iyo Masuuliyiin kakala socda maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle munaasbada intii ay socotay ayaa Odayaasha labada dhinac lagula dardaarmay in ay nabada kawada shaqeyaan.

Ugu horeyn halkaasi waxaa kahadlay Gudoomiyaha Degmada Matabaan Xuseen Salaad IBraahim {Moolif} iyo qaar kamida odayaasha dhaqanka waxa ayna dhamaan Tood kahadleen muhiimda uu Shirkani uu leeyahay beelaha ay dirirtu dhexmartay.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka waxa ay shegeen in gebegebda shirka qodobo ay Heshiish kuyihiin Labada beelood laga soo saarin doono

Hoos kadhegeyso codka Guduumiyaha Degmada Matabaan iyo qaar kamaida Odoyaasha dhaqanka ee labada dhinac iyo masuuliyeen kale.