DHEGEYSO:>Shir lagu xalinayay beelo kudagaalamay Deegaano katirsan G/ hiraan Oo lasoo gebagebeeyay

Maanta ayaa waxaa deegaanka Qabno-Ciid o ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka hiiraan  Ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyay  shir dib u heshiisiin loogu sameynayo laba beelood oo wada dagaalamay.

Odayaal dhaqameed ka kala yimid degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan Saraakiisha Ciidamada ayaa tuulada Qabna-Caad isugu tagay si xal looga gaaro dagaalka dhex maray labada beelood.

Odayaasha labada beelood ayaa ka tashaday sidii loo xalin lahaa dagaalkii horay u dhacay si bulshada ku nool deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ay nabad ugu noolaadaan.

Shirkaas qabsoomidiisa ayaa waxaa kaalin weyn ka geystay Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo ay ka soo kala jeedaan beelaha dagaalamay.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada matabaan Cabdulahi Cumar Xaashi oo wareysi gaar ah siinayay Radiogalgaduud ayaa Kawaramaya wax yaabihii lagu soo heshiiyay.