DHEGEYSO:>Shirka M/Goboleedyada Oo Maanta lafilayo in lasoo Gebagebeyo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa Maalintii Saddexaad ka socda Shir u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda.

Qodobadda ugu waa weyn ee Shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah amniga, sidii ururka Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay heystaan ,qeybsiga kheyraadka dalka iyo  sidii wax iyaga ay isku waafaqsanyihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka.

Furitaanka shirka ayaa madaxda waxaa kale oo ay xuseen in doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sannadka 2021-ka ay qeyb ka yihiin ajendaha shirka.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in lasoo Afjaro maanta Gelinka dambe,islamarkaana laga soo saaro Warmurtiyeed.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galeysa Shirkaasi ayaa goor dhow Warbaahinta u sheegay in Shirka maanta lasoo gabagabeyn doono.