DHEGEYSO:>Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Oo sheegay in Ay Wadaaan howlgalo Alshabaab Dalka looga Saarayo

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka xilliggaan ay waddaan dagaallo kala duwan oo ay kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ay ka saaraan degaanada ay wali gacanta ku hayaan.

Waxaa uu ugu baaqay Shabaab in ay dagaalka ay joojiyaan, maadaama waxa dagaallada ku dhimanaya ay yihiin dad Soomaaliyeed.

Indhoqarshe ayaa sheegay in aysan jirin xilliggaan sabab loo dilo dadka Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu sheegay in uu waddo howlgalo Ballaaran oo ka dhan ah Shabaab.

Hoos kadhgeyso codka Taliyaha Ciidamada Xooga DalkaÂ