DHEGEYSO;>Warar dheerad Ah Oo Kasoobaxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho & Khasaaraha Kadhashay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah Jaaliyadda Yaman ee ku nool degmada Shibis xilli uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska Maana booliyo.

Ninkaan Gaarigiisa loogu xiray gaarigiisa ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdala Axmed Cabdala Sheekh Nuur” Codey”isla markaana uu goobta ku geeriyooday sida uu warbaahinta  u sheegay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacantay mid ka mid ah haweenka ku nool degmada Shibis oo mareysay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ugu dambeyn Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa waxa uu sheegay in iminka Ciidamada dowladda Soomaaliya ay baaritaano ka wadaan si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyey qaraxa ninkaasi lagu dilay.