DHEGEYSO:>Warqad kasoo baxday xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Oo lagu taageeray hadalkii madaxweyne farmaajo

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha uu mar labaad fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), taasi oo la doonay in lagu dhameeyo khilaafka dowladda dhexe iyo madaxda maamul gobobleedyada.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana muujiyaan tanaasul, iyada oo la xusuusanayo weerarkii Soomaalida badan ay ku dhimatay ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.

Warqada kasoo baxday xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir

Waxaa warbaahinta lawadaagay madaxa warfaafinta xaafiiska xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir.

Ibraahim Xaashi CosobleÂ